Madaxweynah Soomaliya Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:

Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

Husseen Mohamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka iyo Maaliyada;

Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta

Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud

Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.