Wafuud ka socda Q.M iyo Midowga Afrika oo Maanta gaaray Magaalada Dhuuso-mareeb.

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee gobalka galgaduud Tagay  Wafddi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobey kuwaas oo ka mid noqon doono wufuudda ka qeybgeleysa dhameystirka heshiiska u dhexeeya Maamulada Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Wararka laga helayo Magaalada dhuuso marteeb ayaa waxaa ay sheegayaan in wafdiga maanta gaaray magaalada uu hogaaminayay ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arimaha  Soomaaliya Michael Keating iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka.

Sidoo kale Waxaa jira wafdi kale uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada dhuuso mareeb.

Wafuudan ka socda beesha caalamka ayaa waxaa ay isha ku hayn doonaan heshiiska lagu dhameystirayo galmudug iyo Ahlusuna oo maanta ka qabsoomaysa Magaalada dhuuso mareeb, kaasi oo ku aadan sidii ee ay labada Maamul isugu biirayaan.

Magaalada dhuuso Mareeb ayaa shalay waxaa horey u gaaray Madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada Puntland iyo koofur galbeed,iyagoona ka qeyb galaya xaflada lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna oo horey ugu kala dhacay magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho.

Hayeeshee Waxaa Xalay ilaa iyo Maanta Magaalada Dhuuso mareeb ka socda kulamo gaar gaar ah oo lala yeelanayo Odayaasha dhaqanka iyo Masuuliyiinta halkaasi ku sugan ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira cabashooyin ay muujinayaan Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Magaalada cadaado,kaasi oo ku saabsan inaysan tagi doonin Magaalada dhuuso mareeb,islamarkaana Waxaa ay Sheegeen odayaasha in lagu xadgudbay dastuurka Maamulka Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.