Kulamo la isku mari la’yahay oo cadaado ka socda.

Wararka naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ka socdaan kulamo la’isku mari la’yahay oo u dhaxeeya Odayaasha Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka ayaa ku aadan sidii xal loogu heli lahaa cabasho ay odayaasha cadaado ka qabaan heshiiskii dhaxmaray Galmudug iyo Ahlusunna oo maanta lagu wado in lagu dhameestiro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Kulamada ayaa waxaa horkacaya Guddoomiye ku xigeynka 1-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari, Sen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Axmed Macalim Fiqi iyo Xildhibaano kale, waxaana laga sugayaa wafdigaasi cadaado ku sugan in ay ogolaasho ka keenaan Odayaasha Cadaado si loo soo afjaro heshiiska oo ay maanta u dhacdo xafladda gaba-gabada.

Shalay ilaa Xalay ayaa la sheegay in ay dhaceyn kulamo aan loo kala kicin, waxaana dad aan la hadlanay noo sheegeyn in ay lagu kala tagay iyadoo aan wax natiijo ah ka soo bixin, sidoo kale maanta 9:00 am ayaa lagu wadaa in ay mar kale kulmaan dhinacyada Odayaasha iyo Xildhibaanada.

La soco wixii ku soo kordha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.