Xaafado ka mid ah Muqdisho lagu arkay Xoolo la Gowracay. + SAWIRO.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa saakay ku waabariistay Meydadka xoolo la Gowracay oo la soo dhigay xaafado ku yaala degmooyinka gobalka Banaadir qaarkood.

Goobaha lagu arkay waxaa ka mid ah degmada Howlwadaag, gaar ahaan guryaha ku yaalla agagaarka xarunta degmadaas waxaa saaka dadka ay ku soo tooseen Ido la gowracay oo lagu daadiyay guryaha hortooda.

Tiro ilaa Lix Neef oo Ido la gowracay ah ayaa lagu arkay Xaafadaha Degmada iyada oo guryaha qaar luuqyada u dhaxeeya lagu riday halka kuwo kalena hortooda la dhigay.

Sidoo kale dadka ku nool degmooyinka Boondheere iyo Waabari ayaa sheegaya in ay arkayn Meydadka Ido kale oo la soo dhigay xaafadaha qaar,Waxa ay sheegayaan dadka inaysan garan karin cida gowracday xoolahan ee wadooyinka sidaasi ugu tuurtay, kadibna ka tagtay, iyadoo illaa hadda la iswaydiinaayo cidii arintaan ka dambeysay.

Arrintan waxaa ay saaka walaac ku abuurtay dadka deegaanka oo ay tahay markii ugu horreysay oo ay la kulmaan dhacdo noocan ah.

Laamaha amaanka iyo mas’uuliyiinta degmooyinka iyo kuwa gobalka ayaa wali ka hadlin arintaan iyo waxa sababay, Shacabka ayaa ku micneynaya Arimo kala duwan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.