Wasaarada boostada isgaadhsiinta & tiknolojiyada ee xukumada fedraalka soomaaliya ayaa wado qorshe lagu hormarinayo, tayeynta iyo maamulka isgaarsiinta dalka

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo fulineysa qodobada Xeerka Isgaarsiinta Qaanka ayaa waxa ay ku gudo jirtaa dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo heer gebogebo ah maraya, taas oo Masuuliyadeeda ugu muhiimsan noqon doonta horumarinta, tayeynta iyo maamulka isgaarsiinta dalka.

Sidoo kale Wasaaradda waxa ay gacanta ku haysaa qorshe dib u habayn loogu samaynayo qorsheynta lambarrada ay isticmaalaan dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka, iyada oo ay billowdeen wadatashiyadiisa; waxaana muhiim ah in la ogaado in aysan suurtogal ahayn in uu ka shaqeeyo dalkan fure aan ahayn 252.

Waxaana uga digeynaa dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay haddii ay isku dayaan isticmaalka fure aan ahayn 252 ay la kulmi karaan tallaabo sharciga waafaqsan oo ay ka mid noqon karto kala-noqoshada ruqsada adeegga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.