Muqdisho Maqaam sidee ah Ayeey Yeelaneesaa? W/Q Cali Somali

Muqdisho waa magaalo taariikhi ah oo fac wayn, waxaa lasheegaa in la aas aasay Qarnigii laaad ee Hijrigga, waxayna noqotay caasimad rasmi ah sanaddii 1960-kii markii ay midoobeen Kaanfurta iyo Waqooyiga. Intaas waxii ka danbeeyey waxay muqdisho aheed maagallo madaxda looga arrimiyo Dalka Soomaaliya.

Tan iyo 2004-tii oo aheed markii si rasmi ah loo qaatay hanaanka baahinta awoodaha Dolwadda “ Faderalism”, dhiddibadana loo aasay Axdigii KM ee Faderalka, waxaa aloosnaa muranka la xariiro Maqaamka eey caasimada muqdisho yeelaneeso.

Axdiggii Faderalka oon xiligaas ka gaarin go,aan dhamaan arrimaha kusoo kordhay hanaankii Siyaasadeed ee Dalka, ayaa ku xusay Q.5aad, Faqradiisa 2aad in Baarlaamaanka uu go,aan ka gaari doono maqaamka caasimada Muqdisho.

Arrinta uu xusay Axdigga Faderalka ee 2004-tii ma dhicin, oo go,aan lagama gaarin maqaamkii caasimada, waxaana soo xigay Hindisihii Dastuurkii 2010-kii, kaas oo Q.76aad ku faah-faahiyey saddex xulasho oo Muqdisho yeelan karto. Lkn Dastuurkii 2012-kii sida KM- gaarka ah loo ansixiyey ayaa dib ugu laabtay meeshii 2004-tii Axdigga dhigay maqaamka caasimada. Waxuuna ku xusay Q.9aad i Maqaamka Magaalo-madaxdu ay ku leedahay qaab-dhismeedka federaalka ee jamhuuriyadda labbada Golle sharci kasoo saari doonaan. Si ahaan sharciyada laguma yaqaano ineey dib ulaabtaan lkn waxaa lagu yaqaan ineey wax badalaan, ama wax kordhiyaa.!!!

Dastuur waxaa lagu qeexaa “ heshiis bulhso oo qeexaya xiriirka ka dhaxeeya muwaadinka iyo Dawladda iyo qaabdhismeedka dawladeed, Nidaamka Siyaasadeed ee Dalka”.
Dal kasta wuxuu u baahan yahay sharci lagu agaasimo arrimihiisa, mana dhici karto in dal yeesho habab siyaasadeed oo aan loo dejin xeerar wax lagu hago. Waxaana laga rabaa Dastuur kaste inuu ka tarjumaya Hiigsiga, Qiyamka iyo ujeedooyinka Ummadeed, kuna yimaadaa wadahadal siyaasadeed, horseedaa dib u heshiisiin iyo xasilooni siyaasadeed, Taasoo macnaheedu yahay in cidii guulaysataa ama markaas u muuqata in ay saamaynta ugu badan leedahay aysan meyrinin waxa ay doonayso.

Maqaama muqdisho side noqon karaa?

Hadaba waxaan faalladaan ku eegeenaa maqaamka caasimadaha qaatay habka faderalka ah, iyo tijaabada Dimuqoraadiyeed, waxay noqonaysaa Muqdisho sidaan soo socoto:
Xulashada 1aad “Caasimad Ku-dhextaal Dawlad-Goboleed”
Caasimad Ku-dhextaal Dawlad-Goboleed “City in Member State “ habkaan waa mid leh dhibaatooyin badan, waxaana isticmaalo wadamo yar oo dhowr ah, Caasimada magaala madaxda federaalku waxay ahaanaysaa magaalo ku dhextaal dowlad goboleed.

Xukuumadda dawlad-goboleedda ay magaala madaxdu ku dhextaal, iyadoo la tashatay Dowladda Fedelaaka ayaa uleh awood in ay soo saartaa sharci gaar ah oo qeexaya hab maamulka caasimada Federaalka, waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan Dowlad gobaleedka iyo Dowladda Faderalka ah oo caasimada maamulo arimaha canshuuraha, xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay.
Magaalooyinka, Berne – Ottawa – Pretoria / Cape Town ayaa lagu maamulayaa habkaan.
Xulshada 2aad ”Degmada Caasimadda Federaalka”

Dagmada caasimadda Federaalka “Federal District ” Muqdisho waxay noqoneysaa degmo magaalo madax u ah Dowladda Federaalka ah, kama mid noqon karto qayb ka mid ah dowlad goboleed. Xukuumada federaalku ayaa soo saareeso o sharci gaar ah oo nidaamiya is-xukun dimuqaraadi ah oo lagu maamulo degmada magaala-madaxda federaalka.
Sharciga doorashooyinka federaalku waxuu siin doonaa muwaadiniinta degan degmada magaalamadaxda xaq ay ku dooran karaan wakiilo u matala Golaha Shacabka, waana in aysan matalaadaas ku waayin deganaanshada ay deganyihiin degmada magaala-madaxda Dowlada Federaalka awgeed. Shacabka degan degmada magaala-madaxda federaalku kuma yeelanayaan wakiilo Aqalka wakiilada “ Aqalka sare” . Hankaan ayaa ah midka ugu badan ee dunida laga isticmaalo, ugana dhib yar.
Magaalooyinka kala ah Abuja, Addis Ababa, Brasilia, Buenos Aires, Islamabad, Kuala Lumpur, Mexico City, New Delhi, Washington DC ayaa lagu maamulaa habkaan.
Xulashada 3aad “Caasimad ah Dawlad-Goboleed”

Caasimad ah Dawlad-Goboleed “Member State” Magaalo-madaxda federaalku waxay noqonaysaa dowlad-goboleed haddii la qaato habkaan, lkn kuma biiri karto gobol kale, mana noqon karto qayb dowlad goboleed kale ku dhul ballaarsato.
Golaha maamul ee magaalo-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku ayaa ka heshiinayo arimaha canshuuraha iyo xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay, ama ay deggantahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala-madaxda.
Magaalooyinka Berlin, Brussels, Vienna, Moscow ayaa lagu maamulaa habkaan, mana aha mid wadamo badan isticmaalaan.
Ugu danbaytii: Dalalka qaatay habka loo yaqaan fedaaralka ee maantana Soomaaliya qaadatay, waxaa mid walba loo jaangooyay xeerar si gaara loogu tixgeliyay abuurta dhulkeeda iyo dadkeeda.
Go,aan ka gaarsita arrimaha Siyaasadda waa inay ku qotomaan ka-baaraanddeg xeel dheer oo aad loogu fiirsaday siyaalaha iyo meelaha Soomaaliyeed.
Maqaamka caasimada waa inuu ku saleesnaado xeerar iyo sharciyo loo dajiyey, ayadoon lagu fiirineen wax kaste arragtida qabiilka, laguna diideen xuquuqda muwaadiniinta arragti ka duuleeso fikrad qabiil. Waa in la is waafajiyaa in Dadka reer muqdisho helaan mataalad Siyaasadeed, iyo in eey Muqdisho noqoto caasimad Qaran.
W. Q. Cali sheikh aadam yuusuf “ Cali Somali”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.