C/Xaashi Oo Qoray Buugga Cusub ee Heybso Dhaqankaada.

aqalka sare

Haybso Dhaqankaaga waa buug cusub oo uu qoray Cabdi Xaashi Cabdullahi, Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare Ee dalka kana hadlaya dhaqanka iyo Afka hooyo, waxaa lagu soo abndhigay munaasabad lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga fanka iyo suugaanta.

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa tilmaamay sababta uu buuga qalinka ugu qaaatay inay tahay afkii hooyo ee soomaaliga oo sii lumaya, wuxuu intaas ku daray in sababaha ka danbeeyay qorista buugaan ay ugu weyn yihiin sedaxdaan qodob ee soo socda.

1-Dhulkii Miiga oo laga soo guuray oo dadkii soomaaliyeed ay usoo bateen magaalooyinka, taas oo sheegay inay hoos ay u dhigtay dhaqankii iyo afkii soomaaliyeed.

2-Magaalooyinka oo aad looga hadlo luqado shisheeye sida Englishka iyo  Carabiga iyo kuwoo kale ayaa Gudoomiyuhu sheegay inay dhaawaceen ku hadalkii afkeena Hooyo.

3- iyo dadkii soomaaliyeed oo qurba joog ubatay oo saameen weyn ku yeeshay limida afka Hooyo ee soomaaliga.

Buugaan oo muqdisho lagu soo bandhigay ayaa Waxaa bogaadiyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlada oo sheegay in loo baahanyahay in  madaxda dowlada ka qeyb qaataan soo nooleynta Afka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo soo dhaweeyay soo bandhigitaanka Buugaan Cusub2

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.