Dhagesyo: Caabudwaaq oo looga diyaar Garoobayo soo dhawaynta Madaxwaynaha Somalia.

Madaxwaynaha Somalia oo Socdaal uu kua kulmay Bulshada qaybahooda kala duwan ku kala Bixinaya Deegaano iyo tirsan Gobollada Somalia, Madaxwaynaha Soomaliya oo Hadda ku sugan Boosaas ayaa ku guda jira Dhamaadka Booqashadiisa Puntland isagoona kadib u amba bixi doona Gaalkacyo oo uu uga sii gudbi doono Deegaano katirsan Magaalooyinka Galmudug.

Magaalada Caabudwaaq oo dhacda Waqooyiga Galgaduud ayaa qayb ka ah Meelaha uu safarka ku tagi doono Madaxwayne Farmaajo sida ay shaacisay Madaxtooyada, Waxaana lagu so waramayaa in Magaaladaas hadda ay ka socoto Qabanqaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro diyaar garowga soo hawaynta Madaxwaynaha.

Sidoo kale waxaa maalmihii dambe Caabudwaaq gaaray wufuud hordhac u ah safarka madaxwaynaha oo ka kala socda Galmudug iyo Dowladda Dhexe.

Madaxa Arimaha Bulshada Caabudwaaq Muuse Axmed Maxamed oo qayb ka ah qabanqaabiyaasha Soo dhawaynata Madaxwaynaha ayaa inooga waramay halkaay wax umarayaan iyo sida ay udiyaar garooween.

Cumar Lakiman oo ku sugan Boosaaso ayuu Taleefanka ugu waramay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.