Madaxweyne farmaajo oo Maanta lagu wado inuu safar dhulka ku tago Magaalada Boosaaso.

farmajo

Madaxweynaha Dowlada  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka, oo xalay ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Barri ayaa maanta wuxuu gaari doonaa Magaalo Xeebeedka Boosaaso.

Qaban Qaabada  lagu soo dhaweynayo Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan laga dareemaya magaalada Boosaaso,iyadoona Amaanka Magaalada Aad loo adkeeyay,iyadoona wadooyinka Waa weyn ee Magaalada boosaaso lagu arkayo ciidamo fara badan oo xaqiijinayo Amaanka Magaaladaasi.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha soomaaliya, dad badan ayaa loo qorsheeyay soo dhaweynta wafdiga uu hor kacaya madaxweynha, wuxuuna markuu gaaro boosaaso madaxweynaha la kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.