Waxaa maanta dagan deegaanka Tuka-raq Oo Shalay Dagaal uu ka dhacay

dagaal

Waxaa maanta dagan goobihii shalay lagu dagaalamay ee deegaanka Tuka-raq , dagaalkaas oo u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan maamuladda puntland iyo soomaaliland, siyaabo kala duwan ayeyna ugu hadleen dagaalka shalay halkaas ka dhcay labadaba dhinac.

dadka deegaanka ayaa waxay u xaqiijiyeen in wali deegaanka laga dareemayo xiisad colaadeed, waxaana dadka ay cabsi ka muujiyeen in markale dagaal uu halakas ka qarxo.

Waxaa kaloo dadka deegaanka ay sheegeen in ay socoto abuubul ciidan oo ay wadaan laabda dhinac ee deegaankaas Tuka-raq isku haaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.