Maamulka Gobolka Hiiraan Oo ka warbixiyay Weerar lagu qaaday Ciidamo Dowlada Ka tirsan

Ugu yaraan Saddex askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan ayaa ku dhawacmay Bamgacmeed lagu tuuray farisiin ay ku lee yihiin  Afaafka hore ee laga soo galo Magalaada Baladweyne gaar ahaan dhanka waqooyi.

Saddexda Askari ee ku dhawacmay  bamgacmeedkan ayaa la sheegay in mid ka mid ah dhawaciisa u yahay mid culus halka labada kalan ay yihiin kuwa fudud.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Caga joof ayaa Warbaahinta u sheegay in Bamgacmeedkan  uu dhawac fudud u ka soo gaaray Askar ka tirsan Ciidamada Booliska oo farisiinka ku sugna islamarkana lagu dabo joogo cidi ka dambeysay bamgacmeedkan.

Ugu dambeyntii Afhayeenka  gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Caga joof ayaa sheegay in ciidamada  booliska ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigan dad lagu tuhunsan yahay weerarkan islamarkana baaritaan lagu wado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.