Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidamada Somaliland iyo Puntland

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanadii gobolka Sool ay ku dagaallameen Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay degan tahay Xaaladda degaankaasi inkastoo ay wali jiraan Dhiilo colaadeed.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka xooggiisa ayaa joogsaday, waxaana ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.

Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Wariyeyaasha gobolka Sool, in labada dhinac ay wataan Boqolaal ka mid ah Gadiidka dagaalka taasoo dadka Cabsi weyn ku abuurtay.

Degaanka Tukaraq iyo Degaanka God qaboobe ayaa dadkii kunoolaa waxa ay bilaabeen in ay halkaasi ay ka barakacaan.

Ciidanka Somaliland  ayaa haatan waxay ku sugan yihiin halka loo yaqaano labo madax oo ah duleedka magaalada Tukaraq , halkaasi oo ay ka sameystay Dhufaysyo.

Ciidankii Puntland ee ku sugnaa Tukaraq ayaa halkaas isaga baxay waxayna ku sugan yihiin meel aan ka fogayn goobta ay ciidanka Soomaaliland ku sugan yihiin.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Somaliland ee ku aadan dagaalka dib uga qarxay gobolka Sool.

Xiisadda u dhaxeysa Labada maamul ayaa ka dhalatay Safarkii dhawaan Wasiirka Qorsheynta dowladda Dhexe uu ku tagay degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag.

Somaliland ayaa sheegtay in ay jawaab ka bixin doonto Booqashadda Wasiirka Qorsheynta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.