Jabuuti iyo Somaliland Oo Hashiisyo Kala saxiixday.

Maal mihii danbe ayaa wafdi uu hogaaminaye Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxay kulmo laqaadanayeen Madaxweynaha dalka jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas`uuliyiinkale Oo reer jabuuti ah.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen Geelle iyo Biixi waxaa kamid ahaaIskaashiga dhanka Amniga oo ay ku heshiiyeen sameynta Guddiyo labada dhinac ah, La dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, Isku safridda Soohdinta ay labada dhinac wadaagaan oo Muddooyinkii dambe laga cabanaye iyo qodobo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Heshiiskaan uu labada dhinac u yahay mid ku dhaqan gali kara iskaashiga labada dhinac.

Waa uu sii hadlay waxa uuna tilmaamay in shirkaan uu bilaw u noqon doono xoojinta Xiriirka labada Dhinac, Isagoona soo jeediyey in la dhaqan geliyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa tibaaxay in dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira Gobolka Afrika in ay tahay Burcad badeedda iyo waxa loogu yeero Argagixisada.

Wasiir Maxamuud ayaa dalbaday in Mas’uuliyad la iska saaro sidii looga adkaan lahaa, maadaama Caqabada ugu badan ay yihiin, ayna ku yeeshaan deegaanka sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ee ku guuleystay doorashii dhamaadkii Sanadkii tagay ee 2017da ayaa safarkiisii ugu horeeyey uu kaga amba-baxo soomaaliland ayaa wuxuu ku tagay Wadanka Jabuuti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.