Madaxweynaha Somaliya oo dhagax dhigey dhismaha dugsiga Xaawo Taako.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa Saaka dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo Xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loo bixiyay Halyeeyaddii Xaawo Taako, kaasi oo ahaa markaasi dugsi hoose dhexe, balse waxa uu ku buruburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in Madaxweynaha uu maanta dhagax dhigay Dugsigaasi, kaasi oo looga gol leeyahay in la badiyo goobaha Waxbarashada, si kor loogu qaado tayada iyo tirada Dugsiyada Dalka.

Dhagax dhigida kadib Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Safarka Madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago Puntland tan iyo markii Madaxweyne loo doortay muddo ku dhaw sanad ka hor

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.