Taliyihii hore ee CXS oo Dowaldda ka dalbaday in ay la soo wareegto Ciidanka loo tababaray oo ay Dowladaha kale maamulaan.

Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Gen Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa Cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya.

Gen. Dhuumaal ayaa sheegay in falkaasi uu dhaawacayo Dowaladnimada Soomaaliya Islamarkaana Dowaldda looga baahan yahay in ay dib u eegto Ciidamada ku sugan Muqdisho iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in Muqdisho ay joogaan Ciidamo badan oo aan Dowladda maamulin balse ay maamulaan Dowlado kale oo tababarka u sameeyay, sidoo kale Dowladahaas ayaa la sheegay in ay bixiyaan Mushaarka Gunada iyo Cuntooyinkaasi taasina ay dhibaato ku tahay qaranka.

Dhinaca Kale Taliyaha ayaa Gen Cabdi Qaybdiid ku amaanay halka ay ka taagan-tahay Dowladnimada iyo rabitaankiisa ku aadan in Dalka Xasilooni ka dhalato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.