Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya oo ku baaqay in Imaaraadka laga saaro Soomaaliya

Faarax Macallin  Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban ayaa waxaa uu uu ugu hadlay dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Waxaa uu soo hadal qaaday in diblomaasiyiinta iyo madaxda Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya,Waxaa uuna ku baaqay in dowlada federaalka Soomaaliya ay  dalka ka saarto Diblomaasiyiin ka tirsan Imaaraadka carabta.

” Farmaajo iyo Kheyre,ka saara Imaaraadka Muqdisho,Ilaahay dartiis,xira safaaraddooda,saldhigyadooda Milatari ee Muqdisho,haddii sirdoonkiinnu hayo caddeymo ku filan in Imaaraadka Somaliya ka wado argagixisannimo,arrintan la taga Qaramada Midoobey,ha sugina ilaa ay Soomaaliya ka dumiyaan”. Sidaasi Waxaa bartiisa twitter-ka ku daabacay Faraax Macalin.

Imaaraadka Carabta ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in dhibaato ay ka wado Soomaaliya,Hayeeshee ma jirto ilo madax Banaan oo xaqiijinaya wararka Sheegaya in Imaaraadka ay Qal-qal gelinayaan Xaalada Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.