Golaha Aqalka Sare oo maanta ka shiraya Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan Ku yeeelanaya Xarunta ay Ku shiraan ee magaalada Muqdisho, waxaana Xildhibaanadu ka doodi doonan Misaaniyadda Dowladda ee 2018 sida Fariinta Aqalka Sare lagu Xusay  Xildhibaanada Qaarkoodna ay noo sheegaan.

 Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 oo ka kooban 274 malyan islamarkaana ka badan tii sanadkaan Sii dhamaanayo 2017  ayaa 13 Bishaan December  Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya meelmariyeen.
Balse Xildhibaanada aqalka Sare ayaa ka dooditaankooda ka dib laga sugayaa in ay ansixiyaan ama ay wax ka badal ku sameeyaan, Waxaana Xusid mudan in miisaaniyaddu intii ay hortaalay Xillibaanada Golaha shacabka Muran  badan uu ka dhashay waxyaabaha waqtigaasi dooda badan dhaliyay waxaa ka mid ahaa lacag horay loo isticmaalay oo aan miisaaniyaddi  hore Ku jirin iyo 14 malyan ee Miisaaniyadaan lagu kordhiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.