Jubbaland oo Kismaayo ka mamnuucday goobaha fadhi ku dirirka

Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ka mamnuucay goobaha la isugu yimaado ee looga hadlo Arimaha siyaasadda iyo amaanka ee deegaanada maamulkaasi taas oo ka dhaqan gashay Kismaayo.

Amarkaan oo aan Warbaahinta lala wadaagin ayaa soo baxay muddo ka hor, waxaana la sheegay in ay soo saartay Wasaaradda amaanka ee Jubbaland iyadoo lala socodsiiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

Maqaayadaha, Hotelada iyo goobaha kale ee ku yaala magaalada Kismaayo ayaan la ogolayn in ay dad ku kulmaan Islamarkaana ay ka sheekeestaan arimaha siyaadda ee maamulka Jubbaland sidoo kale Jubbaland ma ogola in fadhi ku dirarada looga hadlo amaanka waxaana qofkii lagu arko mutaysan karaa Xerag iyo Ganaax lacageed.

Dhalinayarada Kismaayo ayaa sheegay in dad badan arintaan loo xiray in kastoo mar dambe lasoo daayay, Dhalinyarada iyo siyaasiinta shaqo la’aanta ku heyso Kismaayo ayaa ku jira taxadar badan oo dhinaca amniga ah iyadoo fadhi ku dirarada aad looga baqo, dadka ma aamusaan balse waxay ka doodaan arimaha caalamka iyo siyaasadda kale Soomaliya ee ka baxsan Jubbaland.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray in aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo lagu galbiyo wax ka badan Labo gaari, waxaana qofkii Labo Gaari ka badan soo qaata loo arkaa in uu sharcig jibiyay waxa uuna mutaysan doonaa Ciqaab adag.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa ka Gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan arintaan balse dad kala duwan oo ku nool magaalada Kismaayo ayaa  xaqiijiyay in amarkaasi si ficil ah looga dhaqan giliyay Kismaayo waxana maqaayadaha iyo Hoteelada ku sugan dhalinyaro dhar cad ah oo arimahaasi loo xilsaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.