Dawlada fedraalka soomaaliya oo dejineysa qorshe lagu soo badbaadinayo Tahriibayaasha ku dhibaateysan Liibiya

Iyada oo la fulinayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ee ku saabsan xal u helista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhbibaateysan dalka Libya ayaa safaaradda Soomaaliya ee Belgium-ka waxa ay shirar la yeelaneysay Ururka Midowga Yurub iyo Hay’adaha Beesha Caalamka.
Shirarkan ayaa waxaa si gaar ah uga shaqeeyay Danjire Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo Ergeyga gaarka ah ee Xukuumadda u qaabilsan xuquuqda caruurta iyo Tahriibayaasha iyo Danjire Maxamed Cali Nuur safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika.
Kulamadaasi kadib ayaa waxaa la isla gartay sidii wadiiqad toosan loogu heli lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Libya waxaana la isla meel dhigay Afar qodob oo kala ah.
In marka hore la hubsado lana diiwaangeliyo dhalinyarada Soomaaliyeed meesha ay kaga sugan yihiin dalka Libya.
Waxaa dhammaan waalidiinta caruurtooda ee ku dhibaateysan dalkaas lala socod siinayaa in ay u sheegaan caruurtooda in ay soo gudbaan qeybaha Libya oo Dowladdu ay gacanta ku heyso.
In loo sheego qofkasta inuu iska diiwaangeliyo Hay’adda IOM xafiisyadeeda ee ku yaalla dalka Libya.
Qofkasta oo doonaya inuu ku laabta wadankiisa in ay IOM ay u soo dhoofin doonto Muqdisho, iyada oo safaaradda Soomaaliya ee Belgium-kana u diyaarin doonto warqadihii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay in ka badan 244 Milyan oo qof ayaa Qaxootinimo ugu nool wadamo kale.
Meelaha ay hadda ku noolyihiin muhaajiriinta Soomaaliyeed ee aanan wali helin aqoonsiga qaxootinimo, ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah dalal ku yaalla Yurub iyo dalka Libya.
Xigasho Hiiraan Online 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.