Maqal iyo Muuqaal Xeerilaaliyaha Qaranka oo Dalbaday in Xildhibanada laga qaado Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacanka

xeeriliyaha

Xeerilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo Maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka ay u gudbiyeen Warqad Golaha Shacabka looga dalbanayo in ay Xasaanadda ka Qaadaan Labo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Labada Xildhibaan ayaa kala ah Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye iyo Xildhibaan Xasan Macalim Maxamuud,waxaana Xeerilaalintu ay ku eedeysay Duminta Qaranka Soomaaliya,iyagoo Dhaqaale ka soo qaatay Dalal Shisheeye sida uu hadalka u dhigay Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.