Dhageyso+Sawiro:Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed xaashi ayaa Booqasho ku tagay Jaamacada Galgaduud

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo wafti balaaran oo uu Hogaaminaayo ayaa waxay Booqasho ku tageen Jaamacada Galgaduud ee degmada Caabudwaaq waftiga Madaxwayne Xigeenka Galmudug ayaa waxaa Ku waheliya Wasiiro,Xildhibaano iyo Madax kale.

Madaxwayne Kuxigeenka Maxamed xaashi ayaa gudaha u galay fasalada Jaamacada waxuuna Warbixin ka dhageystay Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Galgaduud Cumar Cabdi Tahaliil asagoo uga waramay xaaladii ay soo martay Jaamacada.

Waxaa Kaloo Halkaas ka hadlay Cabdi Maxamed Jaamac “Cabdi waayeel” waxuuna sheegay Jamacada Galgaduud ee Caabudwaaq inay kamid noqotay Jaamacada Ummada Soomaliyeed, uGu dambayntii waxaa hadalka Qaatay Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed xaashi wuxuuna sheegay iskuulada iyo dhismaha Jaamacada waxaa qayb wayn ka qaatay galmudug wuxuu kaloo sheegay markii bulshada at noo soo gudbisey baahiyadooda baan wax kaqabanay waan bulshada tan wax badali karta waa sida kaliya ee maamulkuna ku taageeri karo.

Warbixinta Ayaanle Cabdulaahi

cw

cw

cw

cw

cw

cw

cw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.