Daawo:Wasaarada Maaliyada ayaa sheegtay in ay guulo ka kasoo hooyeen shir looga hadlayay maaliyada iyo maa

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay natiijadii ka soo baxday shir uu Magaalada Nairobi kula soo yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, gaar ahaan Barnaamijka Geedi usocodka Deyn Cafiska ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dalka ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoona Madaxdii Wasaaradda ee uu hogaaminayay Wasiir Bayle ay guul dib ugula soo laabteen Dalka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in haddii sidaan wanaaga ah loogu wado maamulka Maaliyadda Dalka ay dhici doonto in Soomaaliya laga cafiyo dhamaan deymaha lagu leeyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.