Wariye Mohamed Ibrahim Gabow oo Maanta lagu wado in lagu aaso Magaalada Muqdisho.

wariye

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada muqdisho  lagu aaso Allaha u naxriistii  Wariye Mohamed Ibrahim Gabow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaarigiisa miino loogu xiray,xili uu marayay degmada wadajir ee gobalka banaadir.

Aaska wariyaha ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Xubno  ka tirsan Wasaarada warfaafinta soomaaliya,qaar ka mid ah madaxda warbaahinta,ururada u dooda saxaafada iyo suxufiyiinta ka howlgala magaalada muqdisho.
Wariyaal ka tirsan TV kalsan ayaa ayaa isheegay in qorshaha uu yahay in wariye Mohamed Ibrahim Gabow lagu aaso qaruuraha barakaad ee duleedka Muqdisho/
Saacadaha soo aadan la filayaa in si rasmi ah lagu aaso wariye Mohamed Ibrahim Gabow oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka  ayaa waxaa ay ka mid yihiin  meelaha inta badan lagu dhibaateeyo wariyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya,iyagoo u adeegaya Shacabka Soomaaliyeed.
Mana jirto ilaa iyo hada cid loo soo qabtay dilal qorsheysan ee loo geysto wariyaasha Soomaaliyeed,inkastoo dowlada Federaalka Soomaaliya inta badan ay ku cel-celiso in arimahaasi wax badan laga qaban doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.