Maamulka Degmada Qansaxdheere oo beeniyay in Shabaab ay weeraro ka fuliyeen Degmadaasi.

Gudoomiyaha  Degmada Qansaxdheere ee gobalka bay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu beeniyay in Al-Shabaab ay dagaal kuy soo qaadeen degmada qansaxdheere,islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.
Waxaa uuna tilmaamay in xaalada degmada ay tahay mid wanaagsan,isagoona sheegay in mararka qaar shabaab ay weerar soo qaadaan,balse aan sidaasi u buurneen weerarkooda.
Degmada qansaxdheere ee gobalka bay ayaa waxaa ay ka mid ah tahay meelaha inta badan Al-Shabaab ay weerarka ka geystaan,maadaama Ciidamada Xoogga ee ku sugan degaano ka tirsan gobalka bay ay halkaasi howlgalo ka dhan ah Shabaab ay ka bilaabeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.