Diyaarad sidday Soomaali laga soo Masaafuriyay Mareykanka oo dib loogu celiyay isla-wadankaasi

Waaxda Socdaalka Wadanka  Mareykanka ayaa Xaqiijisay in Diyaarad Sidday 92 Qof oo Soomaali ah islamarkaana laga soo Masaafuriyay Wadanka Mareykanka ay Cilad ku timid,waaxa Soomaalida la socday Diyaaradda ay ahaayeen kuwo laga soo qab qabtay Qeybo kala duwan oo Mareykanka ka tirsan.
Diyaaradda ayaa ka degetay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Deka Ee Caasimadda Wadanka Senegal ,waxaana Waaxda Socdaalka Mareykamka ay sheegtay Dadkaas dib loogu soo celiyay Wadanka Mareykanka ka dib markii Diyaaraddii ay la socdeen ay Cilad farsamo ku timid.
Ciladda ku timid Diyaaradda Waaxda Socdaalka Mareykanka ma sheegin,waxaana Soomaalidaan laga soo Masaafurinayo Wadanka Mareykanka ay yihiin kuwo la sheegay in aysan Sharci haysan,waxaana Wadanka Mareykanka laga soo Tarxiilay Boqolaal Soomaali ah tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Xilka Madaxweynaha Wadankaasi qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.