Rag looga shakisan yahay Shabaab oo lagu qabtay Puntland

Ciidanka Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa loo yaqaano PSF-ta ayaa gacanta ku dhigay Saddex nin oo looga shakisan yahay inay ururka Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

Ciidanka Amniga Puntland ee (PSF) ayaa in ay qabtaan Saddex-da nin waxa ay ka dambeysay kadib hawlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo laga fuliyey Buuraleyda degaanka Harweyne ee Buuraha Calmadow.

Raggan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya Ciidanka Amniga Puntland, waxaana lagu hayaa mid ka mid ah xarumaha barista Ciidanka, si loo mariyo baaritaano dheeraad ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay ka maamul ahaan in ay ka go’an tahay in Puntland ay nabad ka dhigaan kana ciribtiraan kooxda Daacish iyo ururka Al-shabaab.

Ciidanka Daraawiishta, ayaa maalmo ka hor ku dhaqaaqay saldhigyada Daacish iyo Shabaab, iyagoo si feejignaan ay ku dheehan tahay ugu sii siqaaya saldhigyada kooxahaasi.

Madaxweyne Gaas, ayaa marar badan ku celceliyay in Puntland ay ka go’an tahay inay degaanadeeda ka sifeyso Daacish iyo Shabaab, maadaama Gaas uu sheegay labadan in ay ka wada siman yihiin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.