Bayaanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan go’aanka Trump

Dowladda Soomaaliya, ayaa xalay bayaan ka soo saartay tallaabada Mareykanka uu Magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay go’aanka xasaasiga ah ee uu qaatay Madaxweyne Donald Trump, ayaa ugu baaqday in uu ka fiirsado halista uu go’aankani ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe.

Bayaanka Dowladda Soomaaliya ayaana u qornaa sidatan:-

Bayaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan go’aanka Maraykanka ee Magaalada Barakaysan Al-Qudus

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga Dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.