Madaxweyne Farmaajo oo Shir kaga qeyb galaya Dalka Masar.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkan safarkii labaad ku tagaya dalka Masar, kaddib markii uu bishii August ee sanadkan uu booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berri u kicitimaya magaalada Sharm El-Sheikh, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galayaan Illaa shan Madaxweyne Afrikaan ah iyo marti sharaf kale.

Shirka Africa 2017 Forum ayaa ka dhici doona magaalada Sharma El-Sheikh 7 illaa 9 December, waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Ganacsiga iyo horumarka ka jira Qaaradda Afrika.

Madaxweynayaasha Rwanda, Guinea, Comoros iyo Ivory Coast ayaa khudbad ka jeedin doona shirka Ganacsiga Afrika

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.