Saraakiisha Ciidamada Xooga oo gobalka gedo ka baadi goobaya hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general cismaaciil Saxardiid  oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa waxaa uu sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu cubeyda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in hogaamiyaha Al-Shabaab uu gaaray degaano ka tirsan gobalka gedo,islamarkaana halkaasi ay ku sii qul qulayaan Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in maanta halkaasi ciidamada xoogga dalka ay ka bilaabeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa degaanada hoostaag gobalka gedo oo ay ku sugan yihiin Shabaab badan.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay jiray warar soo baxaya oo sheegaya in Hogaamiyaha  ugu sareeya Al-Shabaab uu gaaray Degaano ka tirsan gobalka Gedo,inkastoo haatan warkaasi uu xaqiijiyay Taliyaha Qeybta 43 aad ee ciidamada Xoogga Dalka.
Hayeeshee Sababata keentay in dagaalamayaasha Al-shabaab ay u gaareen gobalka gedo ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii ay sii kordheen duqeymaha ay diyaaradaha mareykanka ka fulinayaan qeybo ka mid ah gobalada oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.