Maqal iyo Muuqaal:Qalinshubato kadilaacday Muqdisho iyo 27 Milyan oo laga dhacay Ganacsatada Soomaliyeed

ganacsato

Magaalo Madaxda Soomaliya ayaa waxaa ka dilaay qalin shubato usoo shaqatagtay sidii ay uboobi lahayeen Hantida shacabka soomaliyeed, Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Ganacsato ayaa Cabasho balaaran ka muujiyay Shirkado Ganacsi oo ka kala diiwaan gashay Magaalada Muqdisho iyo dalka Imaaraatka Carabta kuwaas oo lunsadaylacag dhan 27 Milyan oo Dollar iyagoo sheegay inay Badeeco dalka dibadiisa kagaga soo gadayaan.

Shirkadahaan dhunsaday lacagta ganacsatada Soomaliyeed ayaa kala ah ASMJ iyo Teysiir kuwaas Shirkadaan ayaa waxaa Masuul ka kala ah Yuusuf Macallin Axmed Qandaf iyo Cabaas Sheekh Maxamed Jimcaale.

Ganacsatada Soomaliyeed ee Ladhacay Hantidoodii ayaa sheegay in ka maqan tahay Lacag dhan 27 Million oo dollar ayaa waxay dowlada Soomaliyeed ka codsadeen in lasoo qabto burcadaan dhacday hantidii shacabka soomaliyeed oo sharciga lahor keeno lagana soo celiyo hantidii ay dhaceen.

Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada ugu waaweyn  dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in Maxkamad la soo taago shaqsiyaadka lunsaday hantidooda oo isugu jira kuwa ku  kala sugan dalka iyo dibaddiisa islamarkaana haatan Madaxda dowladda Somalia hoosta uga jira si u daboolaan dhaca qaawan  ay sameeyeen.


ganacsato

ganasto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.