Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo rajo ka muujiyay Shirka ka socda Muqdisho ee amaanka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo Shirka ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlaayo amaanka iyo dhaqaalaha.
Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu ku yiri.
“Shirka ka socda muqdisho waxaan rajeynayaa in ay ka soo baxdo Natiijo wanaagsan oo wax ku ool ah, dhinacyada ka qeyb galaya waxaan filayaa in ay diiradda saaraan sidii dhibka looga saari lahaa Soomaaliya oo dhibaato ku heysato dhaqaalaha, amaanka iyo siyaasadda” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo kaban doonto waqtiyada dhaw loona baahan yahay iskaashi iyo isku tanasulid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.