Abuu Mansuur oo la kulmaya Shariif Xasan

Wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku sugan degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Xudur ayaa wuxuu halkaasi kulamo kula qaadanayaa saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, isaga oo kala hadlaya arrimaha ammaanka.

Abuu Manuur ayaa maalmaha soo socda wuxuu u gudbi doonaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi wuxuu kula kulmi doonaa Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga Xasan Xuseen (Eelay), sida uu Risaala u sheegay Wasiir ku xigeenka Amniga Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan Howlagalada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kula dalaamayaan ururka Alshabaab, ujeedka Dagaaladan waxay yihiin sidii Shabaab looga saari lahaa Koonfur Galbeed.
Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen (Eelay) ayaa kormeer ku maraya degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, wuxuuna bixinayaa xuquuqdii ay lahaayeen Ciidamada.

Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo shalay kulan ku yeeshay ayaa waxa ay sheegeen muhiim in ay tahay in la xoojiyo Howlgalada socda, loona dhameystiro xuquuqda ay leeyihiin Ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.