Shariif Xasan oo Ku Baaqay in Amisom La Soo Kordhiyo Halkii ay Somaliya Ka Bixi Lahaayeen

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee jooga Soomaaliya ay hawl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay mudan yihiin in looga mahad celiyo dadaalka ay ku bixiyeen nabadeynta Soomaaliya iyo Al-shabaab laga saaro qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.
Shariif Xasan oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya loo baahan yahay in Ciidamo dheeraad ah lagu soo daro si dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab looga saaro dalka.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa saluugay qorshaha Dowladda Soomaliya ay ku doonayso in sanadka 2018-ka in dalka loogu saaro Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.
“Amisom waa la dhimayaa ayaan meelaha ka maq maqlayay, Amisom ,hadda in la dhimo iska daaye in la siyaadiyo ayaa loo baahan yahay”. ayuu Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaa uu sheegay in dagaalkaXarakada Al-shabaab lagula jira uusan dhamaan sidaas darteedna aysan suuragal ahayn in Amisom ay ka baxdo Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.