Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo Hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Uganda

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali ayaa  dowladda iyo shacabka Uganda  u diray Hambalyo uu ka siday Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay inuu ugu Hambalyeeynayo  55 sano guuradii ka soo wareegtay markii dalka Uganda uu ka xoroobay gumeystihii  Ingiriiska
“55 sano markii calanka Uganda laga taagay magaalada Kambaala oo ku soo biirtay dalal Soomalida ka mid tahay oo ka xoroobay gumeystihii,  ka Afrikaan ahaan xoriyadda dalalkeena ayay  noo tahay mid qiimo weyn noo leh, maantana waxaan halkaan ka xuseynaa  Aabiyaashii aas aasay xoriyadda maanta, kuwaas oo u istaagay in ay wax kasta u bixiyaan sidii loo heli lahaa dowladnimada anaga leenahay.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale yiri “Waxaana la joogaa waqtigii aan u istaagi laheyn, waxa aan xaqa u leenahay si aan u dhabeyno qiyamkeena oo ah Afrikaanimada,  dowladda Uganda waxa ay ku leedahay qeyb kamid ah taariikhda Soomaaliya maadaama ay caawisay Soomaaliya arintaas ayaana ugu mahad naqaynaa”.
R/wasaare Khayre oo hadalkiisa siiwata ayaa intaa raaciyay “Markii dowladda Uganda ay go’aansatay in ciidankeeda keento Soomaaliya 2007, Ciidankaas geesiyaasha ah oo la shaqeynaya kuwa Soomaalida iyo dalalka kale ee ciidanka ku deeqay,  waxaa ay ka shaqeeyeen sidii Nabada iyo xasiloonida loogu soo celin lahaa dalka oo muddo dheer oo deganaansho la’aan ah soo martay”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.