DAAWO SAWIR & MUQAAL:Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo Xariga ka jaray Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

 

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada dowladda Turkiga ayaa si wadajir ah xariga ugu jaray Saldhigga ay dowladda Turkiga ay ka furatay Magaalada Muqdisho waxayna halkaasi ka jeediyeen Khudbado ay kaga hadlayaan Salldhigaan iyo Waxyaabaha lagu qaban doono.
Xafladda Furitaanka Saldhigaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Xukumadda iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Saldhiggaan ayaa la sheegay in halkii marba lagu tababari karo Ciidan ka badan 1,500 oo Askari waxayna taas ay qeyb ka qaadan doontaa Tayeeynta Ciidanka Soomaaliyeed.
HOOS KA DAAWO MUUQAAL-KA  IYO SAWIRADA DHISMAHA SALDHIGGA.

https://youtu.be/soDMIRKWoHE

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.