Al-shabaab oo sheegtay in ay la Wareegeen Gacan ku haynta Degaanka Bariire

Wararka ka imaanaya Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ay Saakay Waabarigii Weerar ku qaadeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegaya in Degaanka ay la wareegeen Al-shabaab.

Idaacadda ku hadasha Afka Al-shabaab ee Andulus ayaa Baahisay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya laga qabsaday Degaanka Bariire,waxaana hadda la wareegay Al-shabaab Dagaal Culus ka dib.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka Saakay ka dhacay Degaanka Bariire  ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaan la ogeyn inta uu le eg yahay,balse waxaa jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac.

Dagaalka Saakay ayaa yimid ka dib markii Shalay Degaanka Bariire ay ka baxeen Ciidamada AMISOM iyo Saraakiil Caddaan ah,waxaana Magaalada ku haray Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka weli kama hadlin Dagaalka ka dhacay Bariire,waxaana Al-shabaab ay sheegeen in Hub iyo Gaadiid Dagaal ay ku Furteen Weerarkii Cuslaa ee ka dhacay Bariire

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.