War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Galmudug oo Hakiyay Kulan uu yeelan lahaa Baarlamaanka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu Hakiyay Kulan ay yeelan lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ka dhici lahaa Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Kulanka ayaa la sheegay in Xildhibaanada ay doonayeen in ay uga hadlaan Khilaafka u dhexeeya Madaxda Maamulka Galmudug oo ku kala Qeybsamay Go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ka qaatay Khilaafka Wadamada Khaliijka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu amray in Albaabada la isugu dhufto Xarunta Baarlamaanka uu ku shiro,iyadoo uu sheegay in Xarunta Baarlamaanku uu ku shiro Quful lagu dhajiyay.

Waxii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.