Maqal iyo Muuqaal:Dowlada somaliland oo Beenisey Hadalkii Madaxwayne xaaf ee ahaa in Dowlada Somaliya xanibtay

xaaf

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf ayaa sheegay shalay in safarkiisa ay carqaladeysay dowladda Federaalka Soomaliya, Waxa uu sheegay in loo diiday in Diyaaradii kasoo qadi lahayd Hargaysa ay is hortaageen dowlada Soomaliya uuna ku xanibnaa 5 Saac Hargaysa.

Waxaa hadalkii Madaxwayne Xaaf waxba kajiraan dhahay Agaasimaha Guud Wasaarada Duulista iyo hawada Soomalind Cumar Cabdulaahi Aadan waxuuna sheegay in Xaaf Transit ku ahaa Madaarka Hargaysa waxaa kaloo sheegay agaasimaha sababta keentay in Madaxwayne xaaf lagu xanibo Hargaysa ay ahayd Diyaaradii qadi lahayd oo si sharci daro ah kusoo gashay Hawada Soomaliland oo aan ku xanibnay Hargaysa inta laga baaraayo ee ma ahayn diidmo Dowlada Soomaliya katmid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.