Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo Dalbaday in Soomaaliya laga qaado Cuna-qabateynta Hubka

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Shirka Guud Ee QM oo ka socda Magaalada New-york Ee Dalka Mareykanka.

Xasan Cali Kheyrre Wasiirka Kowaad ee Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Hormar ka sameysay Ammaanka iyo Dowlad Nimada islamarkaana ay Dowladda Federaalka Hormarka ay intaa ka sii badin doonto haddii Maaro loo helo Dhaqaale Xumida haysata Dowladda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay.

Qudbadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre uu ka jeediyay Golaha Guud ee QM ayuu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Dagaal kula jirto Argagixiso Caalami ah sida ISIS iyo Al-shabaab oo Xariir la leh Al-qaacida.

Waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in Soomaaliya laga qaado Cuna-qabateynta Hubka oo saaran Mudo Rubac qarni ah,waxaana uu xusay in haddii laga qaado Xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya ay Awood heli lahaayeen Ciidamada Qaranka Soomaaliya islamarkaana ay jabin lahaayeen Kooxaha ka soo horjeeda daganaashaha Soomaaliya ee Xariirka la leh Al-qaacida.

Qudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka jeediyay Shirka Golaha QM ayuu uga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Abaarta ka jirta Soomaaliya iyo Macaluusha haysata Malaayiin Carruur Soomaaliyeed ah,wuxuuna Tilmaamay in Beesha Caalamka iyo hay’addaha Gargaarka looga baahan yahay in ay Gurmad Deg Deg ah u fidiyaan Dadka Soomaaliya Xaaladda adag ay ku haysato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.