Daawo:Khudbadii Raysawasaare Khayre ee soo Jiidatay indhaha Shacabka Soomaliyeed iyo kuwa caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay khudbada dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyaay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada NewYork ee Dalka Mareykanka isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Raysawasaare Khayre ayaa khudbadiisa kaga hadlay dhinacyada,Ammaanka,Siyaasadda,dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Shabaab,arrimaha bani’aadanimada,isagoo taageero dheeraad ah ka dalbaday Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in dalkiisa laga qaado xayiraadda saaran ee dhinaca hubka ah,si Dowladdu ay uga guuleysato dagaalka ka dhanka ah koooxaha Argagixisada oo khatar ku ah horumarka Dalka.

“Soomaaliya waxay soo martay oo waayo joog unoqotay, colaado,abaaro,macluul iyo amni xumo, marka waxaan fahamsanahay ahmiyadda ay nabaddu u leedahay Dalka Soomaaliya haatan horumar ayaa ku sii talaabsanaya”,Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.