Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta lagu wado in uu khudbad ka jeediyo Shirka New York.

Ra’iisul Wasaare Khayre Xasan Cali Kheyrre ayaa lagu wadaa in maanta uu khudbad ka jeediyo shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoobay sida ku qoran jadwalka Khudbadaha ee Qaramada Midoobay ee sanadka 2017.

Kheyrre ayaa Khudbadiisa diiradda ku saari doono Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan amaanka dalka, dib u dhiska dhaqaalaha, La dagaalanka Al-Shabaab, iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa sidoo kale waxa uu ka hadli doono waxyaabihii u qabsoomay Mudda yar oo ay haayaan Talada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha sidoo kale uu ka qeyb gali doono kulmao kale oo looga hadlaayo Arimaha bini-aadinimada oo diirada lagu Saari doono Xaaladda Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.