Daawo:Wasaarada Sports ka Soomaalya oo gudoontay deeq ka timid Djibouti

Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa maanta waxaa kulan ku yeeshay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxmed Diiriye iyo Safiirka Jabuuti ee Soonaaliya Aadan Xasan Aadan
kulanka ayaa sidookale waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirk ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Wasaaradda, Cayaartoydii hore ee dalka iyo xubno kale.

Intii uu kulanka socday ayaa Wasiir Khadiijo waxa ay Danjire Aadan ka dalbatay in xulka kubada cagta Jabuuti ay yimaadaan Soomaaliya, si kulan saaxiibtanimo ay ula yeeshaan xulka kubada cagta Soomaaliya.

khadiija maxamed diiriye ayaa sheegtay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha in ay balan qaadeyso amniga guud iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin inta xulka Jabuuti ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa sheegay wixii hada ka dambeeyo in ay bilaabayaan qaban qaabada ku aadan sidii xulka kubada cagta Jabuuti ay u imaan lahaayeen Muqdisho, si kulan saaxiibtanimo ay ula yeeshaan xulka Soomaaliya.

dhaanka kale intii uu kulanka socday safaarada  jabuuti ayaa waxay ciyaartoyaad soomaaliyeed ku dooonsiisay qalab sports.

Indhaha caalamka ayaa soo jiitay cayaar Final aheyd oo 30 sano kadib lagu cayaaray Soomaaliya xilli habeeen ah, taasi oo ay wada yeesheen degmooyinka Waaberi iyo Hodan bilowgii bishan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.