TALIYAHA NABAD SUGIDA EE DEGMADA KAXDA OO GAARIGIISA GAARI GALE LAGU HOR JARAY

Gaari uu la socday Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ee koofur galbeed gobolka Banaadir ayaa maanta la weeraray meel ku dhow Isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeenley.

Rag hubeysan oo gaari wadatay ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaari uu la socday Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda C/naasir Xasan Cali.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha uu ku dhaawacmay rasaasta, iyadoo uu ku dhintay askari ilaalo u ahaa.

Dad goob joogayala ah ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ee weerarka geysatay ay wateen gaari nuuca NOAH ah, kaddibna ku baxsaday.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ayaa sheegay in dhaawaca Taliyaha loo qaaday isbitaal, isagoo xusay in ciidamada ammaanka ay wadaan baadigoobka raggii ka dambeeyay weerarka.

Degmada Dharkeenley ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada lagu fuliyo gaari dad hubeysan saaran yihiin, waxaana todobaadkii hore ka dhacday labo weerar oo kan la mid ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.