madaxweynaha puntland oo dalka dib ugu soo labtay

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo kaso degey magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada  Puntland, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka .

“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo” ayuu yiri Madaxweyna maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay soo mareen dalka Imaaraadka Carabta,  halkaasi oo ay u tageen arrimo la xidhiidha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha maamulka Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey inay aad ugu farax san yihiin inay dib ugu soo noqdaan dalka oo nabadda, waxaana uu shacabka iyo masuuliyiinta maamulka Puntlandba ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay isaga kaashadeen sugidda amniga, horumarka iyo xasiloonida dalkooda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta maamulka Puntlandba inay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda, isla mar’ahaantaana ay meel uga soo wadajeestaan  cadawgooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.