duqa Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay waddo muhiim u ah magaalada Muqdisho, iyadoo maanta lagu bilaabay dhismo.

Wadadan ayaa hormarta Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska Jeneraal Kaahiya, gaar ahaan agagaarka Tiirka Cadaaladda, waxaana ay aheyd mid muddo bur bursaneyd.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab C/wali C/llaahi Maxamed ayaa uga mahad celiyay Maamulka Gobolka Banaadir mashruuca lagu dhisayo wadadan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhismaha wadadan ay tahay mid muhiim u ah iskuna xirka garoonka Aadan Cadde iyo qeybaha Magaalada Muqdisho.

Dhismaha Wadadan ayaa qeyb ka noqotay waddooyin horay u dhisay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana haatan socda dhismaha wadada 30-ka oo halbowle u ah isu socodka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.