Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Buur-hakaba.

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay degmada Buur-hakaba ee gobalka Baay.

Wararka aan ka heleyno degmada buur-hakaba ayaa soo sheegayo in uu ka dhashay Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Wariyaha Idaacadda kulmiye ee gobalka Baay ayaa soo sheegayo in aan la ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi balse waxaa la sheegaya in ay jirto dhimasho dagaalkaasi ka dhashay.

Buur-hakaba ayaa degmo isku xirta gobalada Baay iyo Shabeelaha Hoose waxaana Al-Shabaab ay dhowr jeereen ay weerareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay waxana la soo sheegayo xiligaan ay Xaaladdu Tahay mid dagan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.