Afhayeenka ONLF oo sheegay halka lagu hayo Cabdikariin Qalbi Dhagax

Afhayeenka jabhada ONLF Cabdiqadir Shekh Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay In Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa saraakiisha ONLF in lagu hayo xarunta Wardoonka Ethiopia.

Xarunta Qalbi Dhagax lagu hayo ayuu sheegay in badanaa la geeyo xubnaha jabhada ONLF katirsan ee Ethiopia loo gacan galiyo halkaasna muddo 2-sano ah lagu hayo, kadibna loo gudbiyo xarumaha amaankooda la adkeeyey.

Xarunta Wardoonka Ethiopia ayuu ku sheegay in ay tahay xarun ciidamada Ethiopia ay su’aalo ku weydiiyaan mas’uuliyiinta ONLF ee xaruntaasi la geeyo, kahor inta aanan xabsiyada loo wareejin.

Cabdulqaadir Sheekh Xasan Hirmooge (Cadaani) Af-hayeenka Jabhadda ONLF oo ka hadlay Go’aankii Qalbi Dhagax Ethiopia loogu gacan galiyey ku sheegay in ay mas’uuliyeeda leeyihiin afar xubnood oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo hore war saxaafadeed ay soo saartey ONLF loogaga hadlay wareejintaas.

Af-hayeen Cadaani ayaa sheegay in maamulada Puntland, Somaliland iyo Ahlu Sunna looga bartay in Ethiopia ay u dhiibaan xubnaha jabhadooda, balse waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in Dowladda federaalka ay ku biirto xubnaha Jabhadooda Dowladda Ethiopia u gacan galinaya.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada dowlad Ethiopia ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu iskiis isugu soo dhiibay dowlada Ethiopia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.