Akhriso:Xildhibaan Zakariya oo baaq u diray sshacabka Soomaliyeed

sak

ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI TACAALAA WABARAKAATUH. (Ciid Wngsn)

Baaq Shacab;

Waxaa Isoo Gaaraysa Magaalooyinka Dalka qaar Kamid ah ineey Maanta Mudaharaadyo ka dheceen Shacabka Soomaaliyeed Ee Sharafta Leh waxaan idiinku baaqayaa, idinkana Codsanayaa In Aad Si Bilaa rabshad ah Isu soo baxyada udhigtaan” Si hal qof uusan wax nooga Noqon insha allah Una Raadino Xaqa walaalkeen ( C/kariim Qalbi Dhagax) .

Dhanka Kale Shacabku Waa ineeysan Marnaba Niyad jabin insha allah Dalkani Rabitaankiina ayuu ku Socon Doonaa Sidii 8. February 2017′ Uu ugu Socday si lamid ah Codkiina iyo Dareenkiina ayaan ka turjumayaa, Waan Ogahay dhibaatada Dib udhaca iyo Xanuunka ay leedahay In fashil siyaasadeed Oo Baaxadwayn. Iyo Qiyaamo Qaran Masuuliyiintii Dalkan Usaraysay ay ku dhaqaaqaan iyo Kalsooni xumada Ka iman karta.

Saasoo ay tahay Madaxdu jaanis ayeey haystaan wali,,,, waa ineey Noo soo Ceshaan Muwaadinkeeni Halgamaa Cabdi Kariim Shekh Musse (Qalbi dhagax)”
Majirto Dhibaato Ka xunn Amma aniga iiga Xun in hamigii Shacabku Uu burburo Kalsoonidii iyo Rajadii aan ku taamaynay ay meesha ka baxdo Balse taas waxaa kasii Daran in Muwaadiin Soomaaliyeed Qaymihiisa Hoos loo dhigo nacabna loo Gacan galiyo.

Zakariye Mohamud Hajji Abdi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.