Kheyre oo ka soo horjeestay kala diristii rugta ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada ka dhalatay kala diristii Wasiirka Ganacsiga ku sameysay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, isagoo ka hor-yimid tallaabadii lagu baabi’iyay rugtaas.

Isagoo ka hadlayay barnaamij toos uga baxayo Telefishinka Qaranka oo su’aalo lagu weydiinayo ayuu ugu horeyn ammaan kala dul dhacay Ganacsatada, isagoo xusay in Ganacsatadu ay meel aad u wanaagsan soo gaarsiiyeen dalka, xilli dowladda daciif u aheyd. sidoo kalena ay bulshada u ahaayeen adeegayaal, isagoo xusay inay ka barteen in la is aamino.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in rugtya Ganacsatda ay dalka muhiim u tahay, haddii dal daloolo ay jiraan la sixi doono.

“Haddii Rugta Ganacsiga dhexdeeda dal daloolo ka jiraan, dowladda looga baahan yahay inay saxdo, Rugta Ganacsiga dalka waa u muhiim, waa lala shaqeynayaa, waa lala dhisayaa, hadii qalad jirana waa la xalinayaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadaladiisa ka muuqatay inuu diidan yahay tallaabada ay qaaday Wasiirka Ganacsiga Khadra Axmed Ducaale oo maalmo ka hor ay kala dirtay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, iyadoo arrintan aysan ku wargelin Ra’iisul Wasaaraha.

Bishii March ee sanadkan ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha uu aqoonsaday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, kaddib markii Guddoomiyihii rugtaas Maxamuud C/kariin Gabeyre dib loo doortay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.