Akhriso:-Khasaaraha Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa sheegayaa in 25 qof ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaan duleedka ka ah magaalaad Jowhar.

Shilkan gaari ayaa yimid markii ay isku dheceen labo gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu wadey 100 neef oo ari ah, waxaana halkaasi ku burburey baabuurkii ay shacabku saarnaayeen, kaasi oo dhaliyay dhaawaca ilaa 25 qof.

Wararka laga helaayo deeganka shilkaasi ka dhacay  ayaa sheegay in dadka ku dhawacmay shilkaasi uu qaarkoood dhaawacoodu halis yahay,iyadoo wararku intaasi ku darayaan in ay adagtahay in xaaladooda caafimaad wax looga qabto isbitaalka Magaalada Jowhar oo la geeyey.

deegaanka uu shilkaasi ka dhacay  ayaa qiyaas ahaan 10 KM dhanka Koonfureed kaga aadan magaalaad Jowhar, waxaan dhaawacyadaasi oo isugu jiraan 21 rag ah oo darawalkii gaariga uu kujiro iyo 4 haweeen ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.